Gabay


Gabay:Dal Shisheeye W/T Aadan Diiriye cali.


Gabaygaani waa warbixin ku saabsan nolosha
qurbaha sidii aan u arkayey, markii aan
maansada curiyey oo ahayd
05/08/1993kii,waxaana ku wacyi gelinahayey
Soomaalida si ay u ogaadaan in aan dalkooda
qurbuhu u dhaamin,waayo waxaad xor ku tahay
oo kali ahi waa in aad dad iyo dal leedahay
qurbahana aan badanaa laga helin xoolo meel
iska daadsan. Awal wuxuu gabaygu ku soo
baxay diiwaanka gabayada ee uu qoray Moxamad
SH. Xasan.Waxaan iri sidaan:

Dal
shisheeye dabac ma leh mar buu kaaga
darayaaye,
Dad qalaadna gacal ma leh, daryeel, daawo
iyo hiile,
Derisiyo muraadiyo adduun doorkan laga
waaye.


Adigayba kugu diimayaan digasho awgeede,
Dunji qoonkii soo galay ayey dacari
haysaaye,
Loo diid hadday doonayeen darajiyo maale.

Qurbe
diisimaad ma leh illayn dooyga dhaxameed,

Dan la’aan raggii degey dhammaan damac
khasaarowye,
Duulkii u soo qaxay miyaa duufka la
cunsiiyey?


Dandarriyo waxay diif qabaan diilalyada
haysa!
Shuqul door ahaa iyo xammaal laga
darbaysiiye!
Daadduunka cayreedna waa sida dagaaggiiye!

Inay dib uga laabtaan mindhaa dani
geyeysiine.

Dadka
dalaw ku caariyahayee dalidhaclaynaaya,
Dalkoodii hadday darin dhigtaan dacas ma
haysteene,
Mana ay dakaameen sidii doon abaarsadaye,

Waxse
loogu daw galay awaal soo dawiyey jeere,
Oo deli ka tuuriyo daleel lagu hungoobaaye,

Haddaan haatufkii daqaqansheen lama
dalaafeene.

Ma
dulloobo ehelkiis nimay degel wadaagaane,

Duunyadana Allaa bixiya ee danni lagu waaye,

Xigaal lagu duggaalaa ka roon dibad la
aadaaye.

Dugsi
waa dhulkaagiyo dallaal lagu dakeeyaaye,
Kalluun dabatayaa iyo haruur dalagga
beertaaba,
Ilaah deeqi waa buux haddaan laga
dayoobayne,
Wax la yaab leh diiqiyo ninkaan darar ka
duugayne.


Afartaa dabuubta ah haddaan deelka ka
higgaadshay,
Aan erayo daahira dumoo idin dareensiiyey,

Danta iyo ujeeddadu runtii dar Alle
weeyaane,
Kuwa damacsan dhoofkoow war maa laga daliil
qaato!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *