Awdal state of somalia

Maqaskii Saylici oo uus ku dhex jabay
markii lagala khashaafey inuu furo mashaariicdii berbera + Siilaanyoo
maqas dahab ah loo dhiibay

Waxa
dowlada Siilaanyo looga bartey tan iyo intii ay xukumka la wareegeen inuu
Saylici maqas sito oo loo xilsaarey inuu wixii la furayo maqaska ku jaro.
Shaley Oct.21dii Berbara markuu tagay Siilaanyo wuxuu maqas dahab ah ku
jirey furitaanka mashaariic badan oo laga fuliyey Berbera oo qudha.

Waxay dadku isweydiinayeen tan iyo shalayto waxa ku dhacay
maqaskii Saylici. Sida muuqata markey mashaariicdu dhamaadeen oo iskugu
jirey garoon weyn oo qurux badan oo ciyaaraha loogu tala galay, wadooyin
laami ah iyo dhismo intaba ay maal galisey dowlada Siilaanyo ayaa la quudhsaday
inuu faro ku yeesho Saylici furitaanka. Sida loo bahdiley inuuna maqas
u qaadan mashaaricdana waxa loo gooyay tigidh oo loo direy Imaaraadka
sidii sharshaariga isagoon loo sheegin cid uu kala kulmayo dowlada Imaaraadka
iyo meel uu ku hagaagaba oon aheyn hudheelka uu gali doono inta usoo noqonayo
oo ku aadan inta uu Siilaanyo ku maqanyahay gobolka Saaxil.

Sillanyo oo ay la socdeen wasiiro iyo madax badan oo dowladiisa
ka mid ah oo dadku ku tilmaameen iney xafiisyadii Hargeysa madhanyihiin
ayaa madaxdaa laga waayey qof qudha oo kasoo jeeda beesha Gadabuursi.
Waxa la ogyahay iney cashuurta usoo hoyata dowlada Siilaanyo 40% kasoo
hoyato Gobolka Awdal. Waxase layaable marka waxaasoo mashruuc ah laga
hirgaliyay magaalo qudha oo uu Siilaanyo maqas dahab ah ku furay lagalana
xishooday maqdas xume Saylici ayaana hal mashruuc laga fulin gobolka ay
40% dakhliga dowladu ka timaado.

Waxa
dowlada Somaliland soo gashey sanadkii u dambeeyay lacag lagu qiyaasey
$240 malyuun oo loogu tala galay mashaariic iyo 40 malyuun oo biyo galin
loogu qoondeeyay oo intuba deeq bixiyaasha ajanabi ugu deeqeen dadka hore
umarintooda. Waxa dheer intaa 50 malyuun in lagu qiyaasey oo loogu deeqey
raashin ahaan. Gobolada dhexe oo dhan mashruuc yaa laga galiyey. Madaarka
Berbera, ka Hargeysa, ka Burco, wadooyin gobolada dhexe oo dhan, ceelal
la qoday IWB.

Bidix jaleec, waa madaxdii dowlada Siilaanyo ee beesha dhexe
oo odoros ku mirqaansan. Mee madaxdii reer Awdal? ma ciil bay isla qariyeen?
Waan ognahay in Saylici loo direy Imaaraadka. Meeye kuwii kale ee masilaayay
Gobolka Awdal. Ciilow ba’a. Damiir la’aantooda ma waliba sida lasoo sheegay
Borama ayay u barjo tageen inta dowladu maqantahay intey wax ka odhan
lahaayeen.

Ceebtu waxay taagantahay bari ka maalin marka uu soo noqdo
Siilaanyo ee dhismo qol ah la furaayo oo loo yeedho Saylici ee fur la
yidhaahdo ee uu lasoo cararo maqaskiisii uuska ku jabay.

Taas macnaheedu waxa weeyi maqaskii Saylici uus buu ku jabay Haduu
naf leeyahayse wuu diidi marka dambe ee maqaskii foosha xumaa loo dhiibo
inkastoo uu jabanyahayna sidaan ognahay beesha dhexena u diiday inay xitaa
ka badilaan maqaskii iskadaa ku dahab ah oo sidii Siilaanyo loo dhiibo
eh.

Guji
halkan oo daawo maqaska dahabiga ah ee Siilaanyo iyo odoroskii reerkiisa
markay kala khashhafeen maqaskii Saylici ee uuska ku jabay qudhmuunkiisa.

Awdal State of Somalia Desk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *